Waxaa maanta magaalada Nairobi ka furmaya shir looga hadlaya arrimaha tacliinta.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono caqabadaha la xiriira in dhammaan ardayda ay fursad u helaan tacliin tayo leh.
Machogu ayaa si rasmi ah shirkan uga furi doono machadka waxbarashada gaarka ah ee (KISE) ee deegaanka Kasarani .
Hal ku dhigga shirkan ayaa ah xoojinta tayada waxbarashada ee Nairobi si ay ardayda uga faa’iidaan tacliinta.