Shirkadda VIVO oo 35,000 oo liitar oo shidaal ah ku taageertay ka falcelinta abaarta

0
189

Shirkadda tamarta ee Vivo Energy laanteeda Kenya ayaa shidaal gaaraya 35,000 oo liitar ku taageertay dadaallada looga falcelinaya saameynta abaarta.
Waxay shidaalkan ku wareejisay guddiga qaran ee isku duba ridaya dadaallada dowladda dhexe iyo waaxyaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Shidaalkan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu sifeeyo ceelasha ku yaalla 32 ismaamul si shacabka ay u helaan biyo nadiif ah.
Agaasimaha guud ee shirkadda Vivo Energy Kenya Mr. Peter Murungi ayaa sheegay inay farxad u tahay ka qayb qaadashada la tacaalidda saameynta abaarta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 4.35 milyan oo kenyaan ah ay u baahan yihiin cunno iyo biyo.