Shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee bixisa adeegyada tiknolojiyadeed ee Oracle Corporation ayaa shaacisay inay dalkani Kenya ka furan doonto xarunta macluumaadka ee u qaabilsan gobolka.
Xaruntan ayaa noqon doonto midda labaad ee ay shirkaddan ku leedahay qaaradda Afrika.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu madaxweynaha dalka William Ruto la yeeshay ku xigeenka sare ee madaxa shirkadda Oracle ee badeecooyinka iyo warshadaha Scott Twaddle.
Kulanka oo ka qabsoomay madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirka isgaarsiinta Eliud Owalo iyo xoghayaha joogtada ee wasaaraddan John Kipchumba Tanui.
Dhanka kale dhawaan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto soo dhaweeyay go’aanka ay qaadatay dowladda Talyaaniga ee ay Nairobi ugu xulatay xudunteeda bixinta adeegyada caafimaadka ee gobolka ka dib kulan dhex maray isaga iyo dhigiisa Talyaaniga Sergio Mattarella .




