Shirkadda Rubis oo beenisay in dalka laga tarxiilay agaasimaheeda

0
551

Shirkadda shidaalka ee Rubis ayaa beenisay in madaxa fulinta sidoo kalena ah agaasimaha guud ee qaybteeda Kenya Jean-Christian Bergeron wadanka laga tarxiilay.
Bayaan ay shirkaddu soo saartay oo lagu daabacay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayay ku sheegtay in Jean uu u safray xarunta dhexe ee Rubis oo ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Waxaa uu halkaasi u tagay inuu faahfaahin ka bixiyo xaaladda shidaal ee Kenya ka dib wada tashi dhex maray isaga iyo mas’uuliyiinta sare ee halkaasi ku sugan.
Tani ayaa imaanaysa maalin un ka dib markii dowladda dhexe ay sheegtay in Jean wadanka laga eryay maadaama lagu eedeyay carqaladeyn dhaqaale .