Saraakiisha Qaza ee dalka Falastiin ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto dhibaato wayn oo baniaadannimo.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shaqeyn waysay shirkadda korontada ee Qaza shidaal la’aan awgeed.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Israa’iil go’doon buuxa ku soo rogtay marinka Qaza iyadoo mamnuucday in halkaasi la geeyo cuntooyinka iyo shidaalka.
Amarkaasi ayaa xigay weerraradii uu ururka Xamaas ee Falastiin ku qaaday Israa’iil.
Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil ,Yoav Gallant ayaa dhankiisa wacad ku maray inay qaadayaan duullaan dhanka dhulka ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa maalinkii Shanaad duqeynaya marinka Qaza.
Ilaa iyo hadda waxaa halkaasi lagu dilay ugu yaraan 1,055 qof oo Falastiiniyiin ah halka dhanka Israa’iil laga dilay 1,200 .