Shirkadda Kenya Airways oo lagu sheegay midda labaad ee ugu waxtarka fiican Afrika

0
342

Shirkadda duullimaadka dalka ee Kenya Airways ayaa lagu tilmaamay midda labaad ee ugu waxtarka fiican qaaradda Afrika.
Waxaa warbixintan soo saartay shirkadda Cirium oo qiimeyn ku sameysa howlaha duullimaadka.
Warbixinta waxaa ku cad in diyaaradaha Kenya Airways ay boqolkiiba 71.8 xilligii loogu tala galay ku soo caga dhigteen sanadkii hore oo ay sameeyeen 41,905 oo duullimaadyo ah.
Waxaa nambarka koowaad ee dhanka waxtarka duullimaadyada ee Afrika soo gashay shirkadda Safair oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika .
Dhanka Bariga Dhexe waxaa hoggaaminaysa shirkadda Oman Air .
Waxtarka shirkadda ayaa la bogaadiyaa marka ay diyaaradaheeda ku soo degaan ama ku duulaan 15 daqiiqo gudahooda xilligii la qorsheeyay.