Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa sheegtay in mid ka mid ah xarumihii ay ku shaqeyn jirtay iyo taawar isgaarsiineed uu ku burburay Qarax ka dhacay deegaanka Qaayib oo ka tirsan maamulka Galmudug.
Shirkadda ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu burburiyay xarunta iyo taawarka, Isniintii shalay.
It’s with great sadness to inform our customers that a VBIED attack destroyed our site in Qaayib, a village in Galgudud region today.
Almost 14,000 people lost access to the company's services including EVC Plus, the only payment method in the area.
click👉https://t.co/paJZJCMIec pic.twitter.com/JSmADVtNmO— Hormuud Telecom (@Hormuud) November 7, 2022
Ururka Al-Shabaab oo shalay weerar ku qaaday tuulada Qaayib ayaa qarax ku burburiyay xarunta shirkadda Hormuud.
Lama oga sababta ka dambeysa, hase yeeshee waxay arrintaan ku soo aaday xilli uu soo shaac baxay khilaaf u dhexeya Al-Shabaab iyo shirkadaha waawayn ee dalka Soomaaliya, ka dib markii dowladda ay sheegtay inay xannibtay dhaqaale Shabaab u yaalay bangiyada wadankaasi.





