Xafiisyada Shirkadda Biyaha ee Mombasa (MOWASSCO) oo ku taal Bartamaha xaruunta Ganacsiga ee Mombasa ayaa gubatay habeenimadii xalay.
War qoraal ah oo uu ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee X gudoomiyaha ismaamulka Mombasa Abdulswamad Sheriff ayaa xaqiijiyay dhacdada waxaa uuna sheegay in aan la diiwaan galin wax khasaare ah intii uu shilka socday.
Sida uu sheegay barasaabka, koox ka tirsan ciidamada badda Kenya iyo maamulka dekedaha ee Kenya (KPA) ayaa si deg deg ah uga jawaabay dabkaasi.
In kasta oo dabka qabsaday xaruunta guddoomiyaha ayaa sheegay in adeegyada ay si caadi ah u sii socon doonaan maadaama xogta muhiimka ah, oo uu sheegay in lagu taageeray nidaamka daruuriga ah ay weli ammaan tahay.
Si kastaba ha ahaatee maamulka ayaan cadeyn sababta ka dambeysay dabkan iyo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay.
Dhinaca kale, hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa xaqiijisay in ay sii joogi doonto goobta si ay ula shaqeyso mas’uuliyiinta ay khuseyso iyo taageeridda shaqsiyaadka ay dhibaatadu saameysay.
Dhacdadan ayaa dhacday saacado kadib markii qolka seexashada ee ardeeyda oo dhawaan laga dhisay dugsiga sare ee wiilasha ee Igikiro oo ku yaala magaalada Makuyu ee dowlad gobolleedka Murang’a uu gubtay taasoo looga shakisan yahay in si ula kac leh dab loo qabadsiiyay.
Nasiib wanaag, sida ay wararka sheegayaan, lama soo sheegin wax khasaare noolaleeda ah oo ka dhashay, iyadoo xilliga uu shilka dhacayay aysan wax arday ah ku sugnayn dhismaha, iyadoo ay kooxaxa gurmadka ay deg deg ah uga jawaabeen dhacdadan.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, saddex arday iyo nin mootoola ah oo ka socday Xarunta Dukaamada Igikiro, oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dhacdada, ayaa la xiray.