Shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS, Wasaaraddaha Waxbarshashadda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo geba-gabeeyay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Madaxda labadda heer ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka gaareen is afgarad hanaanka loo maamulayo Waxbarshadda, Manhajka dalka iyo mideynta Imtixaanaadka Qaranla sidoo kale madaxda ayaa ku heshiisay Magacaabista Guddiga maamuli doona Imtixaanaadka, Shahaadooyinka.
Madaxda ku shirtay Magaalada Garoowe ayaa soo saaray Warsaxaafadeed afar Bog ka kooban oo ay uga hadleen shirka u soo dhamaaday.
Qodobada lagu Heshiiyay ayaa waxaa ugu Muhiimsanaa 1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha Waxbarashada dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada.
- In la mideeyo qalfoofta manhajka Qaranka (Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).
- In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.
- In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.