Shirka wadatashiga Qaran oo maanta ka Furmaya Muqdisho

0
156

Waxaa maanta oo isniin ah oo ay ku beegan tahay 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho Gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynahaa Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madashaan waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka Soomaaliya .
Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku xoogga ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada.