Shirka golaha wasiirrada ee dalka oo laga soo saaray go’aamo muhiim ah

0
433

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shirka golaha wasiirrada ku guddoomiyay aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa kulanka laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo la xiriira waaxyaha caafimaadka, kaabayaasha, tamarta iyo awoodsiinta dhallinyarada.
Golaha wasiirrada ayaa taageeray hindise sharciyeedka daryeelka caafimaad ee tayeysan iyo badqabka bukaanka ee sanadkan 2025-ka oo la doonaya in isbeddel looga sameeyo waaxda caafimaadka ee waddanka.
Waxaa uu qorshahan horseedaya in meesha laga saaro khaladaadka dhanka caafimaadka ee dhaca ee aan la iskula xisaabtamin, khiyaannada , dulduleellada dhinaca xakameynta iyo daneysiga oo la sheegay in ay muddo wax u dhimayeen kalsoonida shacabka.
Hindise sharciyeedkan ayaa ka jawaabaya gaabad keenay in mararka qaar ay shaqeeyaan xarumo caafimaad oo aan sharciyeysnayn.
Waxaa uu nidaamkan qeexaya qaab laga mideysan yahay oo qasab ka dhigaya diiwaangelinta iyo sharciyeynta dhammaan xarumaha caafimaadka , sheybaarrada iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah.
Sidoo kale waxaa uu xaqiijinaya halbeegyada daryeelka qaran ee bukaannada si loo hubiyo in aan lagu xadgudbin xuquuqda dadka isbitaallada u raadsado adeegyada caafimaadka.
Hindise sharciyeedkan ayaa lagu soo dhisaya maamul qaabilsan xaqiijinta u hoggaansanka halbeegyada caafimaadka iyo ilaalinta badqabka bukaannada iyadoo ujeeddadu ay tahay in la cirib tiro musuqmaasuqa.
Sidoo kale , golaha wasiirrada ee dalka ayaa ansixiyay soo jeedinno ka yimid guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u saaray in uu ka soo talo-bixiyo arrimaha diinta.
Waxaa tani looga gol-leeyahay in looga hortago adeegsiga caqiidooyinka diimeed ee khaldan sida arrintii Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay in bisha soo socoto ee Sideedaad ee sanadkan la daahfuro mashruuca qaran ee fursadaha dhallinyarada ee (NYOTA) oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo bangiga adduunka.
Waxaa barnaamijkan lagu bartilmaameedsanaya in ka badan 820,000 oo ah dhallinyaro nugul iyo kuwo shaqo la’aan ah oo ay ka mid yihiin naafada.