Shirka gogosha wadatashiga Qaran oo galay Maalintii Seddexaad iyo dhinacyada oo dood yeelanaya

0
122

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii seddexaad, iyadoo maanta si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha amniga, hannaanka doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka dalka.
Dood adag ayaa maanta la filayaa inay dhex marto dhinacyada kala duwan ee ka qeybgalaya, iyadoo qodobbada miiska saaran ay ka mid yihiin:
Sugidda amniga guud ee dalka
Dejinta hannaan doorasho oo mideysan
Dhammeystirka dib u eegista Dastuurka
Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka maqan shirka ayaa horey u dhaliilay hannaanka uu madaxweynuhu u wajahay wada-hadallada, iyagoo ku eedeeyay inuusan daacad ka aheyn xal u helidda caqabadaha taagan.
Guddiga qaban-qaabada shirka ayaa sheegay in maanta dhinacyada ay dood yeelan doonaa, waxaa ayna sheegeen in laga doodi doono qodobo ay ka mid yihiin amniga, Doorashooyinka iyo Dastuurka..
Labaddii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa Siyaasiyiinta ka qeyb galaya shirkan ay jeediyeen talooyin wax toosin kara, waxaana talooyinkaas dhageysanayey Madaxweynaha, R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo guddiga dowladda ee ka shaqeynaya gogoshaan oo Wasiir Xasan Macalin uu hoggaaminayo.
Waxaana la filayaa in shirka maanta ama beri midkood la soo gabagabeeyo, iyadoo lagu wado in laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo lagu soo koobayo qodobada laga heshiiyay iyo kuwa weli u baahan wada-xaajood dheeraad ah.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan khilaaf xooggan oo ka dhashay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan hoggaanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka iyo Maamulada Puntaland iyo Jubbaland.