Shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho oo galay Maalintii labaad.

0
178

Shirka gogosha wadatashiga Qaranka ayaa galay Maalintii labaad, kaasi oo shalay magaalada Muqdisho ka furmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo shirkan ay ka maqan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Madaxdii hore ee dalka.
Gogoshaan wadatashiga ayaa maanta lagu falanqeyn doonaa arrimaha udub-dhexaadka u ah masiirka dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono: sugidda amniga, dib-u-eegista dastuurka, iyo arrimaha doorashooyinka.
Siyaasiyiin waaweyn oo dowladda aan ku jirin, hoggaamiyaasha ururrada siyaasadeed ee diiwaan-gashan, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa ka soo qeyb galay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha.
Sidoo kale shirka ka socda Muqdisho ayaa waxaa ku sugan xisbiyada siyaasadeed eek a jira Puntland, sidoo kale Shirkan ayaa waxaa maanta kju biiri doono R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Shirka ayaa wajahaya dhaliilo xooggan oo uga imaanaya siyaasiyiin mucaarad ah, gaar ahaan xubnaha ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ku tilmaamay shirku mid aan loo dhamayn oo leh dano gaar ah oo siyaasadeed.
khilaafyo siyaasadeed oo qoto dheer ayaa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka iyo hanaanka ay dowladda u wajahayso doorashooyinka.
Shirka ayaa lalagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah, iyadoo si weyn isha loogu hayo qodobada ka soo bixi doono shirka.