Guddiga xisbiga Jubilee u qaabilsan xallinta muranada ayaa dib u dhigay shir horay loo qorsheeyay inay yeeshaan ergada qaran ee xisbiga ee NDC.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in kulankan uu qabsoomo 24-ka iyo 25-ka bishan Maarso.
Koox taabacsan xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa markii hore kulanka NDC ku baaqay si loo buuxiyo jagooyin bannaan.