Shir uu gudoominayay taliyaha guud ee booliiska oo lagu soo gabagabeeyay Tunisia

0
311

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka sidoo kalena ah madaxa golaha guud ee hannaanka iskaashiga booliiska Afrika ee AFRIPOL Mr. Japhet Koome ayaa caasimadda dalka Tunisia ee Tunis si rasmi ah ugu soo xiray shir uu guddoominayay oo halkaasi ka qabsoomay.
Kulanka ayaa ahaa midkii 11-aad ee ay yeesheen xubnaha guddiga hormuudka u ah AFRIPOL.
Koome ayaa dowladda iyo shacabka dalka Tunisia uga mahadceliyay marti gelinta shirka.
AFRIPOL ayaa ah laanta Midowga Afrika u qaabilsan xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta waaxyaha booliiska ee dalalka xubnaha ka ah AU-da.
Waxay si gaar ah uga shaqeysa ka hor tagga dembiyada abaabulan ee u kala gudba xuduudaha dalalka iyo sidoo kale argagixisada.
Kulanka xiga ee golaha guud ee AFRIPOL ayaa la qaban doonaa bisha Tobnaad ee sanadkan.