Shir ku saabsan arrimaha BBI oo ka billowday maxkamadda ugu sarreysa wadanka

0
487

Garsoorayaasha ka howlgalo maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa waxaa u socdo kulan ku aaddan qaabka ay u maareyn karaan dacwado dhowr ah oo loo gudbiyay.
Shirka oo furmay abaare 9-kii subaxnimo ee maanta ayaa waxaa guddoominaya saddex ka mid ah xaakinnada maxkamadda.
Waxaa lagu qabanayaa xarunta dhexe ee maxkamadda ugu sarreysa Kenya ee Supreme Court.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ay amartay in cid kasta oo dood ka qabto go’aankii 13-kii bishii hore lagu buriyay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI ay isa soo xaadiriso.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddi ka kooban 5 garsoorayaal ah uu isku raacay in qorshaha BBI uu sharci darro yahay maadaama aan lagu soo dhisin qaab waafaqsan xeerarka dalka.
Xaakinnada ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhaliilay inuu ku xadgudbay dastuurka wadanka maadaama uu billaabay hannaanka sharciga lagu beddelaya.
Garsoorayaasha ayaa sidoo kale xusay in guddiga doorashooyinka ee IEBC uusan awood dastuuri ah u lahayn inuu fuliyo isbeddel masiiri ah iyada oo ay jiraan xilal sare oo weli ka bannaan guddiga sidaas awgeedna kooraamkiisu uusan dhameystirnayn.
Waxaa dacwado racfaan ah garsoorayaasha hor dhigay xeer ilaaliyaha qaranka Paul Kihara Kariuki m madaxa xisbiga ODM Raila Odinga,xoghaynta BBI sidoo kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.