Shilalka Waddooyinka dalka ee sanadka 2024 oo sare u kacay

0
417

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Kenya (KNBS) ayaa soo saartay warbixinta dhaqaalaha ee sanadka 2025, taasoo muujinaysa in guud ahaan 11,173 shilal waddo ah laga diiwaangeliyay dalka sanadkii 2024-kii. Tani ayaa waxaa ay sare uga kacday 9,990 shil oo dhacay sanadkii ka horeyay, taasoo u dhiganta koror dhan 11.8 boqolkiiba.
Tirada guud ee dadka ay shilalkan saameeyeen ayaa gaartay 24,245. Waxaa ka mid ah 4,748 qof oo naftooda waayay, 11,937 oo si daran u dhaawacmay iyo 7,560 oo dhaawacyo fudud soo gaareen. Dadka lugeeya ayaa ahaa qaybta ugu badan ee shilalkan waxyeelladu kasoo gaartay, iyadoo 4,315 qof lagu tiriyay qaybtaan. Waxaa ka mid ahaa 1,801 oo geeriyooday, 2,045 oo dhaawacyo halis ah qaba iyo 469 oo si fudud u dhaawacmay. Tani ayaa muujinaysaa koror la taaban karo marka loo eego tirada la diiwaangeliyay sanadkii 2023-kii.
Sidoo kale, warbixinta ayaa sheegtay in 2,245 darawal ay ku lug yeesheen shilalka, iyadoo 404 ka mid ah ay dhinteen, 1,081 dhaawacyo culus soo gaareen halka 760 ay soo gaareen dhaawacyo fudud. Tirada rakaabka ku waxyeelloobay shilalka ayaa ahayd 9,968, iyadoo 874 ay geeriyoodeen, 4,361 dhaawacyo culus qabaan halka 4,733 kalena ay dhaawacyo fudud la kulmeen. Inkastoo ay yaraatay marka loo eego 10,011 rakaab oo shil galay sanadkii 2023, khasaaraha naf iyo mid dhaawacba ayaa sare u kacay.
Rakaabka mootada raaca ee ku lug yeeshay shilalka 2024 waxay ahaayeen kuwa si gaar ah u saameeyay, iyadoo 421 qof ay dhinteen, 1,719 dhaawacyo halis ah qabaan, iyo 841 dhaawacyo fudud. Sidoo kale, baaskiil-wadayaal gaaraya 227 ayaa la kulmay shilal, waxaana la xaqiijiyay in 82 ay dhinteen, 113 si daran u dhaawacmeen, halka 32 dhaawacyo fudud qabeen.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in 4,509 mooto-wadayaal ay galeen shilal, iyadoo 1,166 ay dhinteen, 2,618 dhaawacyo culus iyo 725 dhaawacyo fudud. Marka loo barbardhigo sanadkii 2023, tirada dhimashada iyo dhaawacyada ee mooto-wadeyaasha ayaa kor u kacday.
Sida lagu sheegay warbixinta, shilalkan badan ayaa waxaa sabab u ah darawalnimo aan masuuliyad lahayn, isticmaalka khamriga iyo maandooriyaha, xawaaraha xad-dhaafka ah iyo dayaca la xiriira ilaalinta sharciyada iyo amniga waddooyinka.
Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gaadiidka ayaa la filayaa inay kordhiyaan dadaallada ka hortagga shilalka, iyadoo la filayo in tallaabooyin cusub oo farsamo iyo sharciyeed la qaado si loo yareeyo khasaaraha sii kordhaya ee waddooyinka dalka.