Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Shil gaari oo halkaas ka dhacay uu ka dhashay khasaare kala duwan.
shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari ay saarnaayeen Ciyaartooyda Kooxda Kubadda Cagta heerka 1aad ee degmada Cabudwaaq xilli ay marayeen wadada dhaxeysa degmada Cabudwaaq iyo degaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxay warbahainta gudaha Soomaaliya u sheegeen in gaarigii ay saarnaayeen Ciyaartooyda uu rogmaday, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday shilka mid kamid ah Ciyaartoyda Kooxda Haramcad ee degmada Cabudwaaq halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.
Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa tegay dadka degaanka, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka Ciyaaryahanka iyo dhaawaca Afarta kale oo la sheegay inuu culus yahay, waxana la geeyay Isbitaalka degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daweeyo.
Wadooyinka ku yaal degaanada hoostaga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore waxaaa sidaan oo kale uga dhacay shilal Gawaari, waxaana la sheegay inay sabab u tahay wadooyinka qaar oo aad u burbursan.