Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay inuu sii xoogeysan doono xiriirka kala dhexeya dowladda Ruushka isagoo cuskanaya mowqifka ay xukuumadda Beijing ka qaadatay dagaalka Ukraine.
Wang ayaa dowladda Maraykanka ku eedeyay inay sabab u noqotay hoos u dhaca ku yimid cilaaqaadka Beijing iyo Moscow.
Shiinaha ayaa horay u diiday inuu cambaareeyo duullaanka militari ee uu Ruushku ku qaaday Ukraine .
Waxaa uu sidoo kale ka gaabsaday inuu ku biiro waddamada reer galbeedka ee xayiraadaha saaray Ruushka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku celceliyay in iskaashiga kala dhexeya Ruushka uu yahay mid ku saleysan kalsooni iyo wax wada qabsi.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maraakiibta dagaalka ee labada waddan ay howlgallo Wadajir ah ka sameeyeen badda bariga Shiinaha.




