Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay Israa’iil

0
384

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’addo caalami ah oo si cad uga soo horjeestay tallaabada ay Israa11l ku sheegtay aqoonsiga Somaliland.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan go’aankii ay Tel Aviv ee ay toddobaadkii hore ku dhawaaqday, ayaa sheegay in Beijing ay ka walaacsan tahay arrintaas, isla markaana ay si adag uga soo horjeeddo.
Wuxuu xusay in dalal iyo ururro caalami ah oo badan ay horay u diideen una cambaareeyeen tallaabadaas.
Lin Jian wuxuu carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu si buuxda u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedi karta kala qaybsanaanta dhulka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrinta Somaliland ay tahay arrin gudaha u gaar ah, loona baahan yahay in ay Soomaalidu iyagu xalliyaan si waafaqsan danaha qaranka.
Afhayeenku wuxuu sidoo kale ugu baaqay waddamada ka baxsan gobolka inay joojiyaan faragelin kasta oo aan habboonayn, isagoo adkeeyay in aysan jirin dowlad xaq u leh taageeridda ama garab istaagga kooxo gooni ah.
Sidoo kale, Lin Jian wuxuu ugu baaqay Somaliland inay si dhab ah u fahmaan jihada ay xaaladdu u socoto, isla markaana ay joojiyaan tallaabo kasta oo gooni-u-goosad ah iyo iskaashi lala yeesho quwadaha shisheeye.
Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah inay si buuxda u diidan tahay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, iyadoo ku adkeysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana ay u aragto heshiis ama xiriir toos ah oo lala yeesho mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dalka.
Dhinaca kale Banaanbixii ugu weynaa ayaa la qorsheynayaa in uu berri ka dhaco Tuulada Ciyaaraha Dalka ee Stadium Muqdisho, halkaas oo shacabka caasimadda iyo Madaxda Dalka ay isugu tegi doonaan si looga dhiidhiyo tallaabada Israa’iil.