Shiinaha oo Ruushka iyo Ukraine ugu baaqay xabad joojin

0
259

Dowladda Shiinaha ayaa waddamada Ruushka iyo Ukraine kula talisay inay saxiixaan heshiis xabad joojin ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo hal sano ay ka soo wareegatay dullaanka militari ee ay xukuumadda Moscow 24-kii bishii labaad ee sanadkii 2022-kii ay ku qaadday Ukraine.
Xabad joojinta ayaa qayb ka ah soo jeedin ka kooban 12 qodob oo la doonaya in lagu soo afjaro colaadda.
Baaqa Shiinaha ayaa waxaa saaka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.