Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa dhigiisa Maraykanka Joe Biden uga digay in dowladdiisa ay soo farageliso madax bannaanida xukuumadda Beijing.
Waxaa uu u sheegay in Shiinaha uunan aqoonsanayn madax bannaanida jasiiradda Taiwan oo cidii iskudayda inay mowqifkan ka soo horjeesato ama farageliso ay tahay mid dab ku cayaaraysa oo kale.
Tani ayaa timid ka dib markii labada mas’uul ay yeesheen wada hadalkoodii shanaad ee dhanka taleefoonka oo qaatay in ka badan labo saacadood .
Warbaahinta maxalliga ee Shiinaha ayaa ku warramaysa in Xi Jinping uu Biden u sheegay in maamulkiisa uu u hoggaansamo mabd’a siyaasadeed ee Shiine hal ah.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda Shiinaha aynan raali ka ahayn xoogag dibadeed oo faragelin ku haya Taiwan.
“Kuwa dabka ku cayaaro waa ay gubanayaan oo keliya, waxaana rajeynayna in Maraykanka ay tani u caddahay”ayuu yidhi hoggaamiyaha Shiinaha.
Aqalka cad ee White House ayaa dhankiisa bayaan ku sheegay in Joe Biden uu dhigiisa Shiinaha u cadeeyay in siyaasadda Maraykanka uunan waxba iska beddelin oo ay weli diiddan yihiin dadaallada aan loo dhannayn ee wax u dhimaya xasiloonida iyo madax bannaanida Taiwan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa Joe Biden uga mahadcelisay taageerada uu u muujiyay waxayna sheegtay inay sii xoojin doonto iskaashiga dhanka amniga ee kala dhexeya dowladda Maraykanka.