Shiinaha oo ka hadlay ujeedka dhoollatuska militari ee agagaarka Taiwan

0
245

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhoollatuska militari ee ay ciidamadeeda ka wadaan hareeraha jasiiradda Taiwan looga gol-leeyahay xakameynta waxa lagu tilmaamay kibirka gooni u goosadka.
Shiinaha ayaa jasiiraddan u aqoonsan inay ka mid tahay dhul waynihiisa.
Hasa ahaate waxaa Taiwan ka jiro maamul maxalli oo madax bannaan.
Xukuumadda Beijing ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada ah inay awood u adeegsato sidii ay uga dhabeyn lahayd ujeedooyinkeeda .
Shiinaha ayaa ku doodaya in madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen iyo xisbigeeda dimuqraadiga ee (DPP) ay gooni u goosad yihiin.