Shiinaha oo dacwad ka gudbiyay Maraykanka

0
564

Dowladda Shiinaha ayaa Hay’adda Ganacsiga ee Adduunka ee WTO u gudbisay dacwad cabasho oo ka dhan ah Maraykanka.
Wasaaradda ganacsiga ee xukuumadda Beijing ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku eedeysay inuu ku howlan yahay xeelado handadaad ku saleysan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shalay dhaqan gashay canshuur dheeraad ah oo uu Maraykanka ku soo rogay badeecadaha laga soo saaro Shiinaha ee halkaasi loo iibgeeyo.
Dowladda Shiinaha oo tallaabadaasi ka falcelinaysa ayaa canshuurta ay ka qaaddo badeecooyinka uga yimaada Maraykanka gaarsiisay boqolkiiba 84.
Qiimaha canshuurtan ayaa horay u ahaa boqolkiiba 34.
Xukuumadda Beijing ayaa caalamka ugu baaqday inuu u midoobo siyaasadda ganacsiga ee Trump oo ay ku tilmaantay mid aan wanaagsanayn waxayna soo saartay digniin ah in ay halganka sii wadi doonto ilaa dhammaadka.