Shiinaha oo cunaqabatayn saaraya 7 ka mid ah saraakiisha Taiwan

0
220

Dowladda dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay xayiraado ku soo rogaysa toddobo ka mid ah mas’uuliyiinta jasiiradda Taiwan.
Waxaa saraakiishan lagu eedeeyay inay si wayn u taageerayaan gooni isu taagga iyo madax bannaanida Taiwan.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah wakiilka Taiwan ee Maraykanka Bi-khim Hsiao.
Toddobada qof ayaa laga mamnuuci doonaa inay gudaha u galaan dalka Shiinaha ,Hong Kong iyo Macau.
Sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Xinhua waxaa sidoo kale laga hor istaagi doonaa inay la macaamilaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta xukuumadda Beijing.
Dowladda Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay maamusho in kastoo jasiiradaasi ay isu aragto mid madax bannaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa qoraal falcelin ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay dimuqraadi tahay oo uunan Shiinuhu soo faragelin karin arrimaheeda gudaha.