Dowladda Shiinaha ayaa bogaadisay xiriirka adag ee soo jireenka ah ee ay la leedahay Ruushka.
Xukuumadda Beijing ayaa Moscow ugu baaqday in ay kala shaqeyso isku dubaridka arrimaha amniga , xasillonida iyo horumarka aasiya iyo baasifikada ee Asia-Pacific region.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa bayaan ku sheegtay in Ruushka laga doonayo inuu barnaamijyadan ka qaato door muuqda.
Tani ayaa timid ka dib markii uu maanta wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Beijing ,Sun Weidong uu safar ku tagay caasimadda Ruushka ee Moscow.
Shiinaha ayaan Ruushka ku dhaliilin duullaanka militari ee uu ku qaaday Ukraine waxaana labadii sano ee ugu dambeeyay wanaagsanaa xiriirka ka dhexeya labada dhinac.




