Markab dagaal oo ka socday wadanka mareekanka ayaa wuxuu dhax maray badda jasiirada Taiwan halkaa soo ciidanka badda ee mareekanka ay sheegeen in uu yahay maritaan joogto ah maalmo kadib uu wadanka shiinaha ka joojiyay cabsi gelin dagaal owgeeda.
Hadal ay soo saareen ciidanka badda ee mareekanka ayaa lagu sheegay in markabyada dagaalka soo dhax mareen badda Taiwan maalintii axada.
Dhanka kale wadanka shiinaha ayaa shaaciyay in uu dabagal ku sameeyay markabka Markeynkanka isagoona ku dhex arkay biyaha Taiwan .
Shiinaha ayaa maalmahan dhoolatus military ka waday meelaha u dhaw jasiirada Taiwan ka dib markii ay Beijing ka carootay booqashadii madaxa Taiwan ay ku tagtay Maraykanka.