Sheekh Cabdicasiis “Meydka gabadheyda waxa loo duugi waayay waa in lala duugo ninka dambiilaha ee dilay”

0
265

Aabaha dhalay gabadhii dhawaan ninkeeda uu ku gubay gudaha magaalada Muqdisho Sheekh Cabdicasiis Maxamad oo ka hadlay soo qabashada ninkii dilay gabadhiisii Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa ugu horeyn u mahadceliyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sheekh Cabsicasiis Maxamad ayaa dalbaday in loo qisaaso ninka gubay gabadhiisii oo xaamilo ahayd oo haatan ku jira gacanta hay’adaha ammaanka Sayid Cali Macallin Daa’uud.
Aabahaan gabadhiisii la gubay ayaa sidoo kale sheegay in uusan wali aasin gabadhiisii oo ay ku jirto Firinjieer, islamarkaana uu doonayo in hal mar lawada aaso iyada iyo ninkii gubay.
“Waxa meydka loo duugi waayay waa in lala duugo ninka dambiilaha ee dilay, waxaan codsanayaa aniga oo ah Luul Aabaheed in ninkaas caddaaladda la horgeeyo, waxaan Hay’adaha amniga ka codsanaya in gacanta naloo keeno oo dowladda inoo dhamaystiro maadaama ay dalka iyo dadka masuul ka tahay” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis
Shalay galinkii dambe ayay ahayd markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay Xaaskiisii oo uur u lahayd, kaas oo laga soo qabtay deegaanka Cadeyley, waxaana dadka Soomaaliyeed ay wada dhowrayaan tallaabada ay ka qaadi doonto dowladda Soomaaliya.