Sharciga Jaadka oo dhaliyay dood ku saabsan walaacyada caafimaadka dadweynaha iyo hab nololeedka Wajeer

0
109

Doodda ku saabsan sida loo xakameeyo Jaadka iyo walxaha kale ee manka dooriya ee ismaamulka Wajeer ayaa sii xoogeysatay Talaadadii iyadoo ka qaybgalka dadweynaha ee Golaha Deegaanka ee Sharciga Xakamaynta qaadka iyo Waxyaabaha kale ee Maandooriyaha ee 2025, uu galay maalintiisii labaad.
Kalfadhigan ayaa isugu keenay ganacsatada Jaadka, dadka deegaanka, iyo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah iyaga oo hoosta ka xariiqay caqabadda dheellitirka walaacyada caafimaadka dadweynaha iyo xaqiiqooyinka dhaqaale.
Kadib kalfadhiga, Aaden Bulle, oo wakiilka laga soo doortey waaxda Waaberi ee dowlad deegaanka Wajeer, ayaa sheegay in hindise sharciyeedka la soo jeediyay uu horey u maray akhrintiisii ugu horreysay haddana uu marayo marxaladda ka qaybgalka dadweynaha ka hor inta uusan ku laaban Golaha si ay uga doodaan akhrintiisa xigta.
Sida laga soo xigtay Aaden, mid ka mid ah soo jeedimaha muhiimka ah ee hindise sharciyeedka ayaa ah aagga ganacsiga qaadka, taasoo u baahan in dowladda Wajeer ay u qoondayso meelo gaar ah oo loogu talagalay iibinta iyo qaybinta Jaadka.
Sharciga ayaa waxaa uu sidoo kale doonayaa in la mamnuuco iibinta qaadka ee goobaha u dhow dugsiyada iyo goobaha cibaadada, oo ay ku jiraan masaajidda, si loo ilaaliyo carruurta aan qaan gaarin loona ilaaliyo xurmada goobaha diinta.
Wakiilka ayaa xusay in inkastoo qaadka uu yahay isha dakhliga ee qoysas badan, haddana ganacsigiisa aan la xakameynin ay gacan ka geystay shaqo la’aanta dhallinyarada iyo caqabadaha balwadda.
Maryan Cabdikheir, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqanka, Jinsiga iyo Adeegga Bulshada ee Golaha Deegaanka Wajeer, ayaa ku celcelisay hadalka Bulle, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in hadafka hindise sharciyeedka uu yahay sharci dejin, ee uusan ahayn ciqaab.
Maryan ayaa waxaa ay intaas ku dartay in sharciga uu sidoo kale daboolayo iibinta iyo isticmaalka walxaha kale ee waxyeelada leh, taasoo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xakameynayo isticmaalka daroogada ee sii kordhaya ee dhallinyarada.
Sida ku cad sharciga la soo jeediyay, dhammaan ganacsatada qaadka ayaa waxaa laga rabaa inay helaan shatiyada howlgalka oo ay ku iibiyaan oo keliya meelaha loo qoondeeyay ee ay ansixisay dowladda ismaamulka. Hindise sharciyeedka ayaa waxaa uu sidoo kale soo jeedinayaa in aan qaadka lagu iibin karin goobaha cuntada iyo cabitaannada lagu iibiyo.