Shaqo joojin qaran oo ka billaabatay Giriigga

0
298

Shaqaalaha dalka Giriigga ayaa billaabay shaqo joojin qaran oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin sicir barar jira.
Waxay dalbanayaan mushaar kordhin iyadoo tallaabada ay ku dhaqaaqeen ay saameysay waaxyaha gaadiidka sida duullimaadyada iyo adeegga maraakiibta.
Sare u kaca qiimaha maciishadda ee Giriigga ayaa loo aaneeyay qiimaha shidaalka oo kordhay.
Sicir bararka dalkaasi ka jira ayaa gaaray boqolkiiba 12.