Guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta ee (NGEC) ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha jinsiga ku saleysan ee (GBV) oo ku soo kordhay ismaamulka Kisumu.
Waxaa arrintan ka hadlay isku duwaha arrimaha guddigan ee gobolka Nyanza Davis Okeyo.
Mas’uulkan ayaa xusay in ugu yaraan 576 qof oo dhibbanayaal ah ay caawimaad ka raadsadeen xarunta ka soo kabashada shaqaaqooyinka jinsiyadeed ee (GBVRC) ee isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga tan iyo bishii Koowaad ee sanadkan .
Okeyo ayaa deegaanka Nyakach ka sheegay in kiisaska la soo tabiyey badankoodu ay yihiin tacaddi jireed iyo mid galmo.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhacdooyin badan aan la soo sheegin iyadoo laga cabsanaya aargoosi iyo faquuq.
Okeyo ayaa xusay in sidii lagu ogaaday daraasaad uu guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta uu sameeyay sanadkii 2016-kii , in dadka ay waxyeelladu ka soo gaarto shaqaaqooyinka jinsiga ay lacag dhan 16,000 oo shilin uga baxdo raadsashada caawimaadda iyo cadaaladda.