Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo berri guud ahaan wadanka laga howlgeliyo saraakiisha ku biiraya adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa mas’uuliyiinta howshan loo xil saaray ugu baaqay inay ilaaliyaan hal-beegga ugu sarreysa ee hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii da’yarta si siman loo shaqaaleysiiyo in geeddisocodkan uu guulaysanaya.
Moses Kuria ayaa ku taliyay in arrintan si dhow loola socdo oo tabashooyinka jira si degdeg ah loo soo gudbiyo .
Shakhsiyaadka doonaya inay ku biiraan adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS ayaa laga howlgelin doonaa dhammaan deegaannada hoose ee ismaamullada wadanka iyadoo uu qorshuhu yahay in sanadkan la shaqaaleysiiyo 15,000 oo dhallintaro ah.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa xaqiijiyay in aynan jiri doonin takoor iyo qof jecleysi oo qof waliba oo arrintan daneynaya uu heli doono fursad siman.
Dhanka kale Moses Kuria ayaa maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee (EPRA) ku boorriyay inuu baaritaan ku sameeyo xarun shidaalka lagu buuxiyo oo ku taalla deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu oo uu sheegay inuu ka shakiyay.
Wasiirka ayaa su’aal geliyay in goobtaasi ay leedahay shati rasmi ah oo ay ku shaqeyso maadaama aynan jirin wax astaan ah oo muujinaysa in meeshaasi ay ku taallo kaalin shidaal.