Shaqaalaha Garissa oo loo tababaray la tacaalidda isbeddelka cimillada

0
229

Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa oo kaashanaysa hay’adda gargaarka ee Islamic Relief ayaa billowday tababar la siinaya shaqaalaha farsamada .
Tani ayaa looga gol-leeyahay in howlwadeennadan ay u diyaar garoobaan geeddisocodka qiimeynta khatarta isbeddelka ku yimaado cimillada (PCRA) .
Waxaa tababarka ka qayb qaadanaya shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee dowladda ismaamulka Garissa.
Tababarkan ayaa ku soo beegmaya toddobaadyo ka dib markii guddiga maamulka cadaaladeed ee (CAJ) uu la kulmayo qaar ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Garissa iyo wakiillada degaannada hoose si bulshada looga qayb geliyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada.