Shaqaalaha dowladda Zimbabwe oo lagu amray inay qaataan tallaalka COVID19

0
435

Dowladda dalka Zimbabwe ayaa dhammaan shaqaalaheeda ku amartay inay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Hadii ay diidaan waxaa laga reebanayaa mushaarka.
Hasa ahaate mid ka mid ah kooxaha ugu wayn ee shaqaalaha wadankaasi ayaa ka soo horjeestay in tallaal qaadashada laga dhigo mid khasab ah halka mid kale ay ku baaqayso in amarkan loo hoggaansamo.
Wasiirka warfaafinta ee Zimbabwe Monica Mutsvangwa ayaa shir ay yeesheen golaha wasiirrada ka dib warfidiyeenka u sheegay in dowladdu ay aad uga walacsan tahay xaaladaha caabuqa ee halkaasi ku sii kordhaya.
Ilaa iyo hadda waxaa tallaalka koowaad ee COVID19 qaatay 1.2 milyan oo qof halka 650,000 ay heleen tallaalka labaad.
Wadanka Zimbabwe waxaa laga xaqiijiyay xaaladaha cudurka oo gaaraya 88,415 iyo dhimasho ka dhalatay oo dhan 2,747 sida laga soo xigtay jaamacadda John Hopkins .