Shaqaalaha dowladda oo soo saaray wargelin ku saabsan shaqo joojin

0
185

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha dowladda ayaa sheegay in 7 cishe ka dib ay guda geli doonaan shaqo joojin.
Waxay doonayaan in dowladdu ay ugu dambeyn dhammaadka toddobaadkan dhaqangeliso wajiga labaad ee heshiis gorgortan ku saleysnaa.
Xoghayaha guud ee ururkan Tom Odege ayaa guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC ku eedeyay inuu dib u dhigay dhaqangelinta mushaar kordhin la isku afgartay in loo sameeyo shaqaalaha dowladda.
Waxaa uu sheegay in ay doonayaan lacag dhan 2.7 bilyan oo shilin oo laga doonaya inuu xalliyo wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Justin Muturi .