Shaqaalaha dowladda oo loogu baaqay in aynan siyaasad ku mashquulin

0
92

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa shaqaalaha dowladda ka dalbaday in ay diiradda saaraan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu deegaanka Koonfurta Mbeere ee ismaamulka Embu ka sheegay in aan loo baahnayn in waqti xaadirkan ay saraakiisha dowladda ku mashquulaan siyaasadda doorashada xigta ee sanadka 2027-ka.
Ruku ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay xoojinta midnimada qaran iyo wada noolaanshaha nabdoon.
Waxaa uu dhallinyarada kula taliyey in ay adeegsadaan wada xaajoodka wax ku oolka ah si loo xalliyo caqabadaha qaran ee jira halkii ay sameyn lahaayeen dibadbaxyo iyo burburin hantiyeed.