Shaqaalaha dowladda oo ka soo horjeestay qorsho lagu kordhinaya canshuurta

0
321

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha dowladda ayaa ka soo horjeestay qorsho ay wasaaradda maaliyadda doonaysa inay ku kordhiso canshuurta.
1-dii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay in qof waliba oo shaqeeya bishii laga jaraya boqolkiiba 3 ee mushaarkiisa iyo si la mid ah shirkadda uu u shaqeeya.
Lacagtan ayay dowladda dhexe doonaysa in lagu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Hasa ahaate mas’uuliyiinta shaqaalaha dowladda oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa sheegay inaynan ku qanacsanayn arrinkan maadaama aan lagala tashan .
Waxay wacad ku mareen in haddii dowladda aynan ka laaban dhaqangelinta qorshahan inay shaqo joojin sameyn doonaan.