Shan tuhmane oo lagu xiray Kakamega ka dib markii lagu helay maandooriye iyo alaab la xaday

0
379

Shan eedeeysane ayaa sugaya in maxkamad la soo taago ka dib markii lagu helay maandooriye iyo alaabo kale oo la xaday kadib howlgalo ka dhacay ismaamulka Kakamega.
Adeegga Qaran ee Booliiska NPS ayaa sheegay in shanta qof lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo 16-kii bishan ka dhacay magaalada Kakamega, kadib markii ay xog ka heleen qeybaha bulshada.
Shanta qof ayaa laga helay iyaga oo haysta ku dhawaad 1,412 duub oo xashiish ah, alaabo aan la canshuurin oo ka kooban 16 baakidh oo sigaarka Oris ah, 25 baakidh oo sigaarka Milano ah iyo hanti la tuhunsan yahay in la soo xaday oo ay ku jiraan saddex xabo oo gaaska cuntada lagu karsado iyo alaabo kala duwan.
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la soo taago maxkamadda.