Shan qof oo la xiray iyagoo iska dhigaya arday xilli uu dalka ka socdo imtaxaanka KCSE-da

0
112

Wasaaradda Waxbarashada ayaa xaqiijisay in ugu yaraan shan qof lagu xiray magaalada Nairobi iyo qaybo kale ee dalka iyagoo lagu eedeeyay inay iska dhigeen ardey ka qayb qaadanaya imtixaanka Shahaadada Waxbarashada Sare ee KCSE-da.
Isagoo ka hadlayay Subaxnimada maanta intii lagu jiray furitaanka rasmiga ah ee konteenarka imtixaanka xafiiska ku xigeenka guddoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku matalo deegaanka Dagoretti, Wasiirka Waxbarashada Julius Ogamba ayaa cambaareeyay dhacdooyinka, isagoo ku tilmaamay ‘fal nacasnimo ah’.
Waxaa uu sheegay in isbeddelkan uu wiiqayo hufnaanta habka imtixaanka qaranka isla markaana uu khatar gelinayo mustaqbalka ardayda.
Wasiirka ayaa ka digay in shaqsiyaad kasta, macallimiin iyo mas’uuliyiin lagu helo inay ku lug leeyihiin qorshayaashaas ay wajihi doonaan dacwado dambiyeed iyo dib u eegis.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in wasaaradda aysan u oggolaan doonin qof inuu waxyeeleeyo mustaqbalka carruurta ama sumcadda caalamiga ah ee nidaamka shahaadada qaranka.
Sida laga soo xigtay wasiir Ogamba, koox amni oo ka kooban hay’ado badan ayaa la geeyay dalka oo dhan si ay u ilaaliyaan agabka imtixaanka iyadoo la hubinayo isla xisaabtanka inta ay howshu socoto.
Iyadoo ay jiraan caqabado, wasaaradda ayaa waxaa ay xustay in imtixaannada qaranka ee sanadkan ay si habsami leh u socdaan.
Dhanka kale, wasaaradda ayaa waxaa ay si dhow ula shaqeyneysaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka, dowladaha ismaamullada iyo hay’adaha ka hortagga masiibooyinka si loo hubiyo in agabka imtaxaanka la keeno si ammaan ah oo waqtigeeda ku habboon goobaha ay roobabka saameyeen.