Ciidamada Mareykanka ayaa dilay shan qof oo kale oo saarnaa maraakiib ku sugan Badweynta Baasifigga, taasoo tirada dhimashada ka dhalatay ololaha milatari ee maamulka Trump ee ka dhanka ah dadka lagu eedeeyay inay ka ganacsadaan daroogada badda ka dhigaysa ugu yaraan 104 qof tan iyo bishii September ee sanadkan.
Taliska Koonfureed ee militariga Mareykanka (SOUTHCOM) ayaa Jimcihii sheegay inay qaadeen “weeraro dilaa ah oo ka dhan ah laba markab” oo ku sugnaa bariga Badweynta Baasifigga iyadoo uu amarka bixiyay Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.
Weerarkii Khamiistii ee ciidamada Mareykanka ayaa yimid maalin ka dib markii weerar lagu qaaday markab kale, oo sidoo kale ka dhacay biyaha caalamiga ah ee bariga Badweynta Baasifigga, kaasoo dilay afar qof, sida uu sheegay taliska SOUTHCOM.
In kasta oo ciidamada Mareykanka ay sheegeen in sagaalka qof ee ku dhintay weerarradii labada maalmood socday ay ahaayeen “argagixiso maandooriye “, Xukuumadda Washington ma aysan keenin wax caddayn ah oo muujinayso in dadkan ay ka ganacsanayeen daroogada.
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sidoo kale la kulmay dhaleeceyn ka dib markii uu amray in la sameeyo weerar labaad oo lagu qaado dadkii badbaaday ka dib weerar hore oo lagu qaaday Markab weerarrada dadka ka badbaaday shilalka doonida ayaa loo arkaa dambi dagaal, sida ay sheegeen khubarada sharciga.




