Shakhsiyaadka loo soo xushay xilalka xoghayeyaasha wasaaradaha oo la turxaan bixinaya 14-ka bishan

0
297

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo 14-ka bishan 11-aad guddiyada baarlamaanka ee kala duwan ay guda galaan turxaan bixinta 51 qof oo uu madaxweynaha wadanka William Ruto u soo xushay inay noqdaan xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradda dowladda dhexe.
Turxaan bixinta ayaa socon doonto ilaa 18-ka Nofeembar.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ka dib wargelin uga timid xafiiska madaxweynaha.
Waxaa uu karraaniga baarlamaanka u sheegay inuu dadka la turxaan bixinaya iyo si guud kenyaanka u faahfaahiyo geeddisocodka turxaan bixinta iyo goobta lagu qabanaya.
Wetangula ayaa sheegay in guddiyada baarlamaanka laga doonaya inay turxaan bixinta ka dib warbixintooda golaha u gudbiyaan ugu dambeyn 24-ka bishan.
Ruto ayaa 51-ka qof ka soo xushay liis ka koobnaa 250 oo uu u gudbiyay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Shakhsiyaadkan waxaa ka mid ah xildhibaankii hore ee deegaanka Lang’ata MP Nixon Korir, xoghayihii hore ee horumarinta gobollada Belio Kipsang iyo barasaab ku xigeenkii hore ee ismaamulka Nairobi Jonathan Mueke.