Waxaa dacwad wajahaya eedeysanayaal ay ka mid tahay xaaskii madaxweynihii dalka Haiti ee la dilay sanadkii 2021-kii Jovenel Moise.
Dokumeenti ka kooban 122 bog oo warbaahinta maxalliga ee Haiti u dusay ayaa muujinaya in Martine Moise lagu eedeynaya in ay khaarijinta ninkeedii la kaashatay ra’iisul wasaare hore iyo madaxii hore ee booliiska dalkaasi.