Shakhsiyaad lagu tuhmayo burcadnimo oo lagu xiray Kwale

0
384

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kwale ayaa xabsiga u taxaabay xubno dhowr ah oo ay sheegeen in looga shakisan yahay burcadnimo.
Tani ayaa timid ka dib howlgal amni oo ay saraakiisha ka fuliyeen aagga Ngeneni ee deegaanka Lunga Lunga ka dib xog ay ka heleen dadweynaha.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaanka ku xusay in howlgalka ay sameeyeen ciidamada booliiska ee saldhigga Lunga Lunga.
Eedeysanayaasha ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen falal dambiyeed ka dhacay gobolka xeebta oo ay ka mid yihiin dilal iyo dhac.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah tuhmaneyaasha la aqoonsaday inuu xubin ka yahay koox dilal gaysatay oo la raadinayay oo la arkay isaga iyo saaxiibbadiisa oo wada jira.
Laamaha ammaanka ayaa intaasi ku daray in markii shakhsiyaadkan la soo qabanayay ay xashiish isticmaalayeen waxaana baaritaano dheeraad ah oo la sameeyay lagu soo helay ilaa 257 garaam oo maandooriyaha ah.
NPS ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay hadda ku jiraan xabsiga ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.