Shakhsiyaad doonaya inay hoggaamiyaan DCI oo maanta la turxaan bixinaya

0
318

Guddiga adeegga qaran ee booliska ee NPSC ayaa maanta billaabaya inuu turxaan bixin ku sameeyo 10 qof oo isugu soo haray liiska Shakhsiyaadka daneynaya inay qabtaan xilka agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Waxaa uu qorshuhu yahay in turxaan bixinta lagu sameeyo dugsiga dowladda ee KSG ee xaafadda Lower Kabete ee magaalada Nairobi.
Adeegga qaran ee booliska ayaa horay u shaaciyay in 253 qof ay codsiyo soo dirsadeen .
Xilkan tartanka loogu jiro in la buuxiyo ayaa bannaanaaday 27-kii bishii hore xilligaasi oo uu si rasmi ah isku casilay George Kinoti.
Dadka la turxaan bixin doono waxaa ka mid ah madaxii hore ee dambi baarista gobolka Nairobi Ireri Kamwende, oo hadda ah agaasimaha qorsheynta ee xarunta dhexe ee DCI-da.
Waxaa liiskan ku jiro Eliud Lagat oo hadda ah agaasimaha isbeddellada ee xarunta dhexe ee dambi baarista wadanka.
Waxaa liiska ku jiro Dr. Mwangi Wanderi oo ah madaxa taliska DCI-da ee xarunta Railways iyo shakhsiyaad kale.