Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga ee JLAC ayaa maanta turxaan bixiyay Shadrack John Mose oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay inuu noqdo qareenka dowladda dhexe.
13-kii bishan ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka magacaabiddan sameeyay .
Mose oo ka jawaabayay su’aal la waydiiyay ayaa qiimaha hantidiisa ku sheegay 250 milyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dakhliga soo galo uu u kala qaybsan yahay guriyo isaga uu leeyahay oo kiro loogu jiro , dhulal iyo saami uu ku leeyahay shirkad bixisa adeegyada sharciga.
Xilli uu faahfaahinayay waxyaabaha uu mudnaanta koowaad siin doono ayuu xusay xaqiijinta in shaqaalaha xafiiska heer ilaaliyaha guud ee dalka ay helaan mushaar u dhigma shaqooyinka adag ee ay qabtaan.
Sidoo kale waxaa uu walaac ka muujiyay tallaabooyinka ay isku casilaan khuburrada dowladda kala shaqeeya dhanka sharciga.
Tani ayuu u aaneeyay xaaladaha shaqo oo aan wanaagsanayn iyo siyaabo lagu wiiqo bixinta adeegyada la xiriira maamulka cadaaladeed.
Sidoo kale Mose ayaa soo hadal qaaday in tababarro dheeraad ah loo sameeyo saraakiishan si sare loogu qaado awoodda ay u leeyihiin la tacaalidda arrimaha culus ee dhanka sharciga.
Waxaa uu guddiga JLAC ee baarlamaanka waydiistay inuu dadaal ku bixiyo sidii loo heli lahaa miisaaniyad si buuxda loogu qalabeyn karo xafiiska arrimaha sharciga ee dowladda iyo hanashada shaqaalaha.
Mose ayaa horay u soo noqday xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kitutu Masaba .
Guddiga JLAC ee maanta turxaan bixiyay Shadrack John Mose ayaa haysta ilaa 9-ka bisha Saddexaad ee sanadkan si uu warbixintiisa ugu gudbiyo baarlamaanka.
Haddii magacaabidiisa uu baarlamaanka ansixiyo ,Shadrack ayaa beddeli doono Kennedy Ogeto oo qareenka dowladda ahaa tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii.
The role of the Solicitor-General is to assist the Attorney-General in the performance of duties as principal legal advisor to the Government. Among them:
– organise, co-ordinate and manage the administrative and legal functions of thr office of the AG. … pic.twitter.com/aSJ2SFRrK6— National Assembly KE (@NAssemblyKE) February 23, 2023