Shakhsi dacwad ka gudbiyay mas’uuliyiinta sare ee ammaanka ee dalka

0
582

Reuben Kigame oo horay u tartamay xilka madaxtinnimo ee Kenya ayaa dacwad geeyay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay in isagoo adeegsanaya dacwad oogid gaar ah uu doonaya in mas’uuliyiinta sare ee hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka ee waddanka lala xisaabtamo.
Waxaa uu ku eedeynayaa in ay dibadbaxayaal u gaysteen afduubyo, jirdil iyo dilal sharci darro ah.
Dacwadda ayaa ka dhan ah agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ,wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran, taliyaha guud ee ciidanka booliiska, agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da, xeer ilaaliyaha guud , iyo agaasimaha gudu ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Waxaa Kigame dacwaddan ku matalaya oo u doodaya qareen sare Gitobu Imanyara.
Dacwadda ayaa lagu xusay in mas’uuliyiinta ay ka gaabiyeen in ay ku tallaaba qaadaan warbixinno dhowr ah oo lagu sheegay ku xadgudubka xuquuqul aadanaha in kastoo marar badan loogu baaqay in ay baaritaanno sameeyaan.
Maxkamadda sare ayaa laga sugayaa in ay shaaciso tallaabada xigta.