Shacabka Waqooyi bari oo looga digay khatarta kaga imaan karta walxo la sheegay in ay cirka ka soo dhici doonaan

0
510

Hay’adda hawada sare ee Kenya u qaabilsan ee (KSA) ayaa shacabka uga digtay inay ka feejignaadaan walxo laga yaabo inay cirka ka soo dhacaan.
War qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay, ayay ku sheegtay in burbur, laga helay gantaal aan la garanayn, la filayo inuu u ku soo dhaco gobolada Waqooyi-bari ee Koonfur-bari ee Kenya isagoona ku sii jeeda Tansaaniya iyo dhinaca koonfureed.
Sheygaasi ayaa la saadaaliyay inuu soo dhici doono Sabtida, maanta ah oo ku beegan 19-ka bisha Abriil 19.
Waxaa lagu qiyaasay in uu soo dhici karo 11:15 habeenimo ee caawa.
KSA waxa ay ka digtay in walaxaasi ay keeni karto khatar weyn oo naf iyo maalba ah oo ku soo fool leh dadka deegaanka iyada oo ay ugu wacan tahay baaxadda weyn ee uu leeyahay sidaa awgeed waxa ay uga digtay Kenyaanka in ay ka digtoonaadaan.