Shacabka oo loogu baaqay inay ka soo ra’yi dhiibtaan magacaabidda Nuurdiin Xaaji

0
207

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga ,sirdoonka iyo xiriirka dibadda ayaa dadweynaha ka codsaday inay soo gudbiyaan aragtidooda ku aaddan tallaabadii uu madaxweynaha wadanka William Ruto maalmo ka hor xilka agaasimaha waaxda sirdoonka ee dalka uu ugu magacaabay Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji.
Shacabka ayaa laga doonaya inay guddiga la wadaagaan in Nuurdiin uu jagadan u qalmo iyo in kale.
Karaaniga baarlamaanka Samuel Njoroge ayaa sheegay in shacabka ay afkaartooda ku gudbin karaan qaab qoraal ah iyadoo adeegsanaya cinwaanka cna@parliament.go.ke si loo guddoomo ugu dambeyn abaare 5-ta galabnimo ee 29-ka bishan oo Isniin ku beegan.
Haddii uu baarlamaanka ansixiyo , Nuurdiin Xaaji oo hadda ah agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa beddeli doono Philip Wachira Kameru oo muddo 8 sano ah hoggaaminayay adeegga sirdoonka qaranka ee NIS.