Shacabka oo loogu baaqay inay ka faa’iidaystaan saacadaha lagu kordhiyay Huduma

0
409

Dadweynaha ayaa lagu boorriyay inay ka faa’iidaystaan saacadaha dheeraadka ee lagu kordhiyay muddada ay adeegyada aasaasiga ah ka heli karaan xarumaha loo yaqaano Huduma Centres.
In kastoo muddada la kordhiyay haddana maareeyaha xarunta Huduma ee ismaamulka Nyeri , Florence Ndunge ayaa sheegaysa inay weli hooseyso tirada dadka raadsanaya adeegyada muhiimka ah.
Waxay carrabka ku adkeysay inay kaashanayaan guddoomiye xaafadeedyada iyo madaxda kaniisadaha si shacabka loogu sameeyo wacyigelin arrinkan ku aaddan.
Ms Ndunge ayaa sidoo kale dadka xarumaha Huduma looga adeegay ka codsaday inay ku wargeliyaan kuwa kale ee aan weli tagin ee ku sugan deegaanadooda.
Bishii hore ayay ahayd markii wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda , Aisha Jumwa ay shaacisay in 18 xarumood ay shacabka u adeegi doonaan 12 saacadood.
Jumwa ayaa sheegtay in goobahan ay maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha furnaanayaan 7-da subaxnimo ilaa 7-da fiidnimo.