Guuldarradii Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa keentay falcelinno kala duwan oo ka dhacay gobolka uu ka soo jeedo ee Nyanza.
Wax yar ka dib markii Maxamuud Cali Yuusuf oo reer Jabuuti ah lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay kursiga aadka loogu loollamay, qaar ka mid ah dadka Nyanza ayaa niyad jab muujiyay, iyaga oo sheegay in khasaaruhu uu rajo beel ku reebay.
Bariga Suna ee ismaamulka Migori, afhayeenka madasha shacabka ee loo yaqaano Bunge la wananchi Okosi Elijah ayaa u sheegay raadiyaha maxalliga ah ee Ramogi in ay aqbaleen guul darrada, isaga oo intaa ku daray in Odinga uu ku soo laabanayo siyaasadda waddanka.
Okosi ayaa xusay in Raila Odinga uu wali yahay hoggaamiyahooda xisbiga ODM ayna diyaar u yihiin inay ka qaataan tilmaamaha mar kasta.
Waxaa uu Odinga ka codsaday in uu si dhow ula shaqeeyo Madaxweyne William Ruto si ay dalka u horumariyaan.
Waxaa hadalkiisa taageeray musharaxii hore ee xilka xildhibaannimo ee deegaanka galbeedka Suna ee ismaamulka Migori Dave Odhiambo oo ka codsaday dhallinyarada inay joojiyaan aflagaadeynta Odinga ee baraha bulshada.
Magaalada Bondo ee ismaamulka Siaya, taageerayaasha hoggaamiyaha Azimio Raila Odinga ayaa ku dooday in guuldarradii ka soo gaartay doorashadii guddiga Midowga Afrika (AUC) ay wali guul u tahay Kenya.
Iyaga oo uu hoggaaminayo Fredrick Agola ayay dadka deegaanka Bondo sheegeen in Odinga uu hadda sii wadi doono in uu dowladda Kenya la xisaabtamo isagoo ah madaxa mucaaradka.
Clifford Adori iyo Nyakwar Omoga ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin balse waxay sidoo kale rajo ka muujiyeen in Odinga uu wali si wayn ugu soo bixi doono doorashada guud ee 2027.
Dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in Odinga uu yahay shakhsiga kaliya ee si hufan u xakameyn kara madaxweyne William Ruto maadaama intii uu ka maqnaa saaxadda siyaasadda dalka ay wax badan qaldameen.
Waxay isla markaa tilmaameen in Odinga uu yahay musharraxa kaliya ee awood u leh inuu gilgilo madaxweyne Ruto marka la gaaro doorashada guud ee 2027.
Waxaa horey loo qorsheeyay in magaalada Bondo uu ka dhaco dabbaal deg haddii uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka uu ku guuleysto kursiga AUC-da balse waxaa ugu dambeyn lagu qasbanaaday in xafladda la baajiyo.